Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo daahfuray shirka dib-u-habeynta maaliyadda ee Soomaaliya iyo IMF

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta daah-furay shirka dib-u-habeynta maaliyadda ee dowladda Soomaaliya iyo hay’adda lacagta Adduunka ee IMF, kaasi oo lagu gorfeynayo Lix Bilood kadib hannaankii deyn cafinta waxa iska badalay dhaqaalaha Soomaaliya iyo halka la hiigsanayo Sadaxda Sanadood ee soo scoda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan hey’adaha Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horeeyaan ,horumarinta ilaha dakhliga oo dadaal dheer ay galisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dowlad-goboleedyada dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ku amaanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Addunka sida hufan ee ay ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ay ka mid yihiin, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo Xafiiska xisaabiyaha guud.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *