In ka badan 80 ruux oo lagu dilay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo

Tirada dhimashada ayaa gaareysa 41 kaddib weerarkii ay xagjiriinta jimcihii ku soo qaadeen tuulooyin ku yaal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo sidaasina waxa sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Congo.

Tirada guud ee lagu dilay gobolka ilaa iyo talaadadii ayaa ka dhigeysa in ay gaarto 80 qof.

Afhayeenka militeriga gobolka waqooyiga ee Congo Mak Hazukay ayaa sheegay in weeraradii jimcihii ee tuulooyinka Masala, Mapasana iyo Mahini ay fuliyeen xubno ka tirsan ciidamada Isbahaysiga dimuqraadiga ee ADF.

ADF oo xaruntooda ay tahay bariga Congo waxay sheegeen in ay isbahaysi la yihiin kooxda la baxday Dowladda Islaamka, waxayna fuliyeen weeraro joogto ah iyagoo xasiloonidarro ka abuuray gobolka oo kooxo badan oo xagjiriin ah ka dagallamaan.

Kooxda ayaa ka soo jeeda dalka dariska la ah ee Uganda, waxaana la rumeysan yahay in ay ka dambeeyeen dhowr weerar oo ka dhacay gobolka oo ay ku jiraan kan tuulada Masawau halkaasi oo 17 qof lagu dilay.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *