Madaxweynaha Jubaland oo hambalyo u diray ciidanka dowladda ee xoreeyey deegaanka BuuloXaaji

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada Jubaland iyo ciidamada xoogga dalka ee jabka gaarsiiyey argagixisada Alshabaab ee ka xoreeyey deegaanka BuuloXaaji ee Degmada Badhaadhe oo 80KM u jirta magaalada Kismaayo.

” Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada geesiyadda ah ee Jubaland iyo xooga dalka oo maanta guulo muhiim ah ka gaaray howlgalka deegaanada Jubaland lagaga cirib tirayo Khawaariijta oo maanta si rasmi ah u bilowday.

” Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka BuuloXaaji ee Degmada Badhaadhe halkaas oo si nabad ah ciidamadu ay ku tageen kadib markii ay iskaga carareen Khawaariijta.

” Waxaan ku rajo weynahay in maalmaha soo socda ay xoroobi doonaan deegaano iyo degmooyin kala duwan isla markana shacabka deegaanadaas ku nool ay gaari doonaan adeegyada Dowladda.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *