Puntland oo sheegtay in la siyaasadeeyey deeqihii dhaqaale ee saaxiibada Beesha Caalamka

Warsaxaafadeed caawa kasoo baxay dowladda Puntland ayaa codsi loogu diray saaxiibadda beesha caalamka ee bixiya dhaqaalaha lagu kabo dalka Soomaaliya, taasi oo ay Puntland sheegtay inaan si sax ah loo maamulin dhaqaalahaasi.

Codsiga dowladda Puntland ayaa lagu sheegay inay dowladda Muqdisho, siyaasadaysay arrimihii gargaarka bini’aadantinimo iyo dhaqaalihii horumarinta dalka ee lasoo marsiinayey dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Puntland, sidoo kale waxay ka codsatay beesha caalamka inay taageerada Puntland loogu talogalay la marsiin dowladda Federaalka, bedelkeedna toos loosoo gaarsiiyo bangiga dowladda Puntland.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *