Qaramada Midoobay oo militariga Israel ku dartay liiska hay’adaha xadgudubyada u geysta carruurta

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Qaramada Midoobay kadib markii Qaramada Midoobay ay militariga dalkaas ku dartay liiska hay’adaha xadgudubyada u geysta carruurta, sida Xamaas.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Israa’iil ayaa warkan faafiyay toddobaad ka hor inta aan liiska golaha la horgeyn, Golaha Ammaanka (isagoo soo bandhigay muuqaal taleefoon oo uu soo diray sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay).

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay tahay mid khiyaali ah. Laakiin afhayeenka xoghayaha guud ayaa sheegay in habka ay ku timid warbixinta uu ahaa mid si wanaagsan loo dhisay oo hufan.

Xadgudubyada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka mid yihiin weerraro lagu qaaday iskuulada iyo isbitaalada iyo diidmada gargaarka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ku dhaleeceyay ergayga Israa’iil warka sirta ah, isagoo ku tilmaamay mid naxdin leh oo aan la aqbali karin.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *