Wasiir Xagaa oo tababar usoo xiray iskaashatada Kalluumaysiga Puntland

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Puntland, Hon. Abdirisak Abdilahi Xagaa oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Sharmaarke Yaasiin iyo Madaxa Hay’adda FAO ee Puntland, Faarax Cabdisamad ayaa maanta soo gabagabeeyey tababar aqoon kororsi ah oo wasaaraddu u qabatay iskaashatada kalluumaysiga, 8-degmo oo ku yaalla xeebaha Puntland.

Tababarka oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa iskaashtada lagu baray qorshaha maamulka iyo aruurinta xogaha.

Wasiir Xagaa ayaa ku amaanay iskaashatada booska ay bulshada uga jiraan ee kaluumaysiga, wuxuuna ugu baaqay inay dadaalkooda labo jibaaraan, iyagoo adeegsanaya casharada la siiyey.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dhowaan la samayn doono dallada guud ee iskaashatooyinka kalluumaysiga, si loo mideeyo dhamaan iskaashatada deegaanada iyo degmooyinka Puntland.

Ugu dambayn, Wasiirka Kalluumaysiga Puntland, wuxuu u mahadceliyey tababarayaashii iyo hawlwadeenadii wasaaradda ee dadaalka ku bixiyey qabsoomida tababarkan iyo Hay’adda FAO oo gacan ka geysatay.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *