Guddiga Doorashooyinka Puntland oo diyaarinaya doorashada seddex degmo ee Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kulanka oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye KX Guddiga, ahna sii hayaha xilka Guddoomiyaha Axmed Maxamuud Cumar ayaa Guddigu waxay uga doodeen hawlaha shaqo ee horyaala.

Intii kulanku socday Guddigu wuxuu qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada ka dhegaystay warbixino la xiriira diyaar garowga iyo qorshayaasha waaxyaha kala duwan ee qabashada doorashada 3-da degmo oo loo madlanyahay inay dhacdo 23 -july 2024.

Ugu danbayn Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee Guddiga ayaa uga mahadceliyey Agaasimyaasha shaqada muhiimka ah ayso qabteen iyo diyaar garowga wanaagsan ee ay muujiyeen.

Horseed Media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *