Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal Shaqo ugu ambabaxay dalka Norway

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *