Madaxweyne Qoor-qoor oo guddi u magacaabay xal u raadinta colaadda ka jirta waqooyiga Galgaduud

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale hay’adaha Amniga ee Maamulka Galmudug  faray in ay la shaqeeyaan xubnaha guddiga si xal waara looga gaaro colaad ka jirta deegaanada Caabudwaaq iyo Xeraal waqooyiga Gobolka Galgaduud

Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka socday colaadda beelo walaalo ah oo ku nool deegaanadaasi, balse wararku waxay sheegayaan inay istaagtay colaadaasi kadib markii ay kala qaadeen ciidamada Galmudug.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *