Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS oo la kulmay Agaasimaha Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Geneva Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO), Gilbert F. Houngbo.

Wasiirka ayaa ugu warbixiyey Agaasimaha Guud ee Ururka ILO guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Adduunka soo dhoweynta uu u fidiyey wafdiga saddex-geesoodka ah (Dowladda, Wakiilada Shaqaalaha iyo Loo Shaqeeyaha.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *