Xasan Sheekh oo loogu baaqay inuu maamul goboleed u dhiso Gobolka Banaadir

Caaqil Xaaji Macow oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan metelaadda magaalada Muqdisho, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Caaqil Xaaji Macow ayaa sheegay in bulshada gobolka Banaadir ay weli xuquuq uga maqan tahay federaalka, sidaas daraadeedna looga baahan yahay dowladda inay meel saarto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay in uu il gaar ah u yeesho arrintaan, isla-markaana uu si deg-deg ah uga jawaabo baaqa bulshada gobolka Banaadir.

“Waxaan ka rajeyneynaa kaa sugeynaa inaad bulshada Banaadir xaqeedii insha allaahu saad sheegtay aad kow ka bilaabi doonto xaquuqdii ay ku lahaayeen federaalka” ayuu yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *