Booliska gobolka Banaadir oo toogasho ku dilay xubin ka tirsan AL-SHABAAB

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada Booliska gobolka Banaadir ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Heliwaa, kaas oo lagu dilay xubin ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu ka mid ahaa koox isku dayday inay weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidamada oo xilligaas ku jiray howlgal roondo ah, balse waxa ay toogteen mid ka mid ah raggaasi, halka kuwii kalena ay baxsadeen.

Weerarkan ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Baar Jowhar oo ka tirsan xaafadda Suuqa Xoolaha, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

“Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *