SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED OO XILDHIBAAN NOQDAY

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo doorashadiisa maanta ka qabsoontay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedla Hirshabeelle.

Kursiga Sheekh Shariif qaatay waxaa muddo ka taagnaa loolan adag oo u dhexeeyay beelaha kursigaas wadaaga, taas oo sababtay in doorashada kursigan dib u dhacdo.

Kursiga waxaa muddo ku fadhiyay xildhibaan u dhashay beesha Agoonyar ee Harti Abgaal, uuna ka dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxaa beesha Sheekh Shariif kursiga ku haystay laba beelood — Habar Nugaal iyo Cabdalla Carooni — oo iyagana Harti Abgaal ah abtirsiinyo ahaan.

Balse waxay ugu dambeyn isku afgarteen in kursigaas la siiyo Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad doorashada madaxtinimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *