Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Labada Heer ee Jamhuuriyadda oo maalinkii labaad Soconayo

Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Labada Heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalinkii labaad soconaya oo ajanduhu yahay aqoon-isweydaarsi ku saabsan Sharciyada Hantidhowr ee labada heer, si loogu gogol xaaro hannaan wadashaqeyneed oo uu sharicigu saldhig u yahay.

Avv. Cali Sheikh Aadan Yusuf (Cali Somali) oo ka kamid ah martida maalinka labaad ayaa ka jeediyey Shirka mowduuc ku saabsan Isbarbardhigga sooyaalka sharciyadii hore ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo sharciga cusub ee Xafiiska XHG-JFS Sharci Lr. 14 ee 2023.

Sidoo kale Xafiisyada Hantidhowrka DXDF ayaa soo jeediyey sharraxaad ku saabsan Sharciyada ay ku shaqeeyaan, waxaana la is waydaarsaday arrimo la xariira gaabiska Sharciyada iyo sidii loo hormarin lahaa.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *