Maxay yihiin afarta qodob ee CC Shakuur u gudbiyay madaxda sare ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa shaaciyay afar qodob oo muhiim ah oo uu la wadaagay madaxda sare ee dalka.

Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in madaxda qaranka uu la wadaagay in lagama maarman tahay in la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan sidii looga bixi lahaa silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in sanad kahor ay dunida weydiisteen in Soomaaliya ay gargaar u fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta, hase yeeshe maanta bulshada Soomaaliyeed qaarkood wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay roobka iyo fatahaadaha.

Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystirsan:

Isku gurmadka iyo istaakulaynta waa dhaqanka suubaan ee Soomaalida jiritaankeeda badbaadiyey.

anad ka hor dunida waxaan waydiisanay in ay gargaar noo fidiyaan si looga hortago abaar macluul keeni karta. Maantana waxaan dhex taaganahay fatahaad dadkii iyo duunyadiiba daad qaaday. Intii aan ku hawlanaa gurmadka abaaraha, ayaan afartan qoddob oo ila ahaa kuwa ugu muhiimsan sida looga bixi karo silica abaar iyo fatahaad u dhexaynta u gudbiyey madaxda qaranka.

1- In la helo siyaasad cad, iyo istaartiijiyad qeexan, iyo ka go’naan hoggaan oo ku aadan ka mira dhalinta hawshan.

2- In xilka loo magacaabo dad leh karti iyo karaan u dhigma baaxadda hawsha.

3-Hoggaan jiheeya wadashaqaynta wasaaradaha iyo hay’adaha hawshan, joojiyana is barbar yaaca, is qabqabsiga iyo u kala eed sheegadka ajnabiga.

4- In lala xisaabtamo hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa dawliga ah, kuwa ahliga ah iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya gargaarka bani’aadamka, mashaariicda u adkaysiga aafooyinka iyo horumarka.

“Ilaaheey qolo ma beddelo inta ay iyagu iska beddelayaan

Source: Caasimada Online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *