Maraakiibta dagaalka ee Ruushka oo ku sii jeeda Cuba ayaa dhoolatus gantaal ah ku sameeyay badweynta Atlantic

Maraakiibta dagaalka ee Ruushka iyo markab ku shaqeeya Nukliyeerka ayaa dhoolatus gantaalo ah ka sameeyay badweynta Atlaantik xilli ay ku sii jeedeen dalka Cuba, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka Talaadadii.

Dhoolatuska ay sameeyeen markabka Kazan iyo markabka dagaal ee Admiral Gorshkov ayaa ku lug lahaa in gantaalo sax ah ay ku rideen bartilmaameedyada cadawga meel u jirta in ka badan 600 km (370 mayl), ayaa lagu yiri bayaan.

Admiral Gorshkov ayaa sidoo kale qabtay tababar maalmihii la soo dhaafay uu kaga hortagayo weerar dhanka cirka ah, sida ay sheegtay wasaaraddu.
Maraakiibtan ayaa ka mid ah afar ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Ruushka oo lagu wado inay gaaraan

Cuba ayaa todobaadkii hore sheegtay in booqashooyinka noocan oo kale ah ay yihiin kuwo caadi ah oo ay fuliyaan cutubyo ka tirsan ciidamada badda ee dalalka saaxiibka la ah Havana, iyo in maraakiibtu aysan wadan wax hub ah oo Nukliyeer ah, isla markaana aysan khatar ku ahayn gobolka.

Si kastaba ha ahaatee safarkan ayaa waxaa si gaar ah isha ugu hayn doona Mareykanka xilli ay xiisad adag ka taagan tahay Ruushka oo ka dhashay dagaalka Ukraine.

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *