Madaxweynaha Soomaaliya oo guddoomiyey Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah maanta u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo maanta ka furmay magaalada Oslo.

Madashan oo la aasaasey sannadkii 2003, ayaa waxaa lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhex-dhexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo.

Madashan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *