XUBNO KAMID AH GUDDIGA FEIT OO KA HORYIMID GO’AANKII 16-KA KURSI EE GARBAHAARREY LOOGU WAREEJIYAY CEELWAAQ

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa gaaray magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta ka socda guddiga FEIT oo uu hoggaaminayo madaxa qeybta maaliyadda Cabdiweli Maxamuud Cilmi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii doorashada 16-ka kursi loogu wareejiyay Ceelwaaq.

Xubnahan ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin go’aankii ka soo baxay guddoomiyaha guddiga FEIT ee heer Federaal kaas oo kuraasta Garbahaarrey loogu wareejiyay degmada Ceelwaaq islamarkaana uu ahaa go’aan u gaar ah Muuse Geelle Faroole.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *