Xil. Saadaq oo walaac ka muujiyey xaaladda Baarlamaanka Federaalka

Waxa maanta ka socda Baarlamaanka Soomaaliya Waa wax niyad jab ku ah Dalka iyo Dadkaba .

Waxaa laga Sugayey labada Aqal ee Baarlamaanka in ay xal u noqdaan khilaaf Siyaasadeed oo soo jiitamey , ayna ku fashilmeen Madashii Wadatashiga Qaranka ee iyagu isu caleemo saaray maamulka iyo ka go,aan gaarista Doorashada Dalka iyo xalinta waxii khilaafaad ah ee ka dhasha.

Baarlamaan habdhaqankiisa kuma jiro in wax aanay isku raacin,ama aan intooda badani ogolaan in uu ka hirgalo waxaa ka dhasha waa qaybsanaan iyo buuq.

Taasina waxay sababi kartaa in aanay gudan ama ka baaqsadaan waajibaadkii shaqo ee laga sugayey .

Wadashaqaynta Iyo midnimada Baarlamaanka waxaa tiirdhexaad u ah hogaanka markaas u guddoominaya kulamada iyo fadhiyadooda caadiga ah iyo sida uu u kala maareeyo kala aragti duwanaanta xubnaha iyo shaqada hortaala markaas.

Waa hubaal in lagu kala aragti duwan yahay , siyaasada , hogaanka goleyaasha iyo madaxtinimada dalka .

Iyada oo intaasiba ay jirto ayaa Baarlamaanku waajibaadkiisa gudan karaa, waa haddii aan shaqada laga weecin habdhaqankiisa oo uu hagayo Xeer hoosaadka iyo Dastuurka dalka.

Waxaan meesha ku jirin oo aan sax ahayn, labo Aqal oo aan xeer iyo hogaan midna ka dhexayn Mid kastana xeer hoosaadkiisa iyo guddoonkiisa gaar u leeyahay in fadhi midaysan la isugu keeno shaqooyin mid kastaa gaarkiisa u qabsanayo ,
Doorashada goddoomada labada Aqal midba gaarkiisa ayaa loogu qabanayaa xarunta aqalkaasi .

Sidoo kale habraaca Doorashada oo guddi gaar ah loo saaro soona diyaariyo waa qabyo qoraal , waxaa uu dhaqan-gal noqdaa markii Baarlamaanku ansixiyaan ka dib markii ay ku biiriyaan talooyinkooda ama soo jeedintooda.

Waxaan kula talinayaa si kastaba ha ku soo baxeen ,

Maanta iyagaa masuuliyada ugu weyn dalkani saaran yahay muhiimna ma aha fulinta fariimo banaanka laga soo faro.
Ha ogaadaan isma afduubi kartaan ,kooxina wax aanay inta badani la ogolayn ma meel marsan karto keligeed .

Hana ku dedaalaan midnimo shaqo iyo ixtiraam qaanuun oo ah kan jaan goynaya wadashaqayntooda.

Waxaa qoray: Xildhibaan Saadaq Abshir oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Garowe Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *