R/W Xamza oo kadis ku tegay mid kamid ah wasaaradaha DF + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer kadis ahaa ku tegay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriiray u kuur-gelida hambsami u socodka howlaha ay Wasaaradda u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

Xamza ayaa marka uu tegay Xarunta Wasaaradda mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu u arko shaqada ka socota

Sidoo kale waxa ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda warbixinno la xiriira adeegyada ay Wasaaraddu siiso bulshada Soomaaliyeed iyo halka ay marayaan qorsheyaasha waxqabad ee wasaaradda.

Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay howlwadeennada uu la kulmay ayaa kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qeyb ka ah hawlaha kor-joogteynta iyo la socodka shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda DanQaran iyo hey’adaha kale ee Dowladda, si loo dhaqan geliyo hiigsiga xukuumadda eek u saleysan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *