Isimo Soo saara 13 Xildhibaan Go’aan maka gaari karaan Doorashada Putland ?

Puntland waxaa taagan dood weyn oo ku saabsan siday noqonayso Doorashada soo socota,Mucaaradka oo doonaya in dib loogu laabto qaabkii 66-da xildhibaan iyo Dawladda oo qorshaynaysa in lagu galo qof iyo cod .

Afkaaro laga ururiyey Bulshada puntland 60% waxay sheegeen inay doonayaan in doorashada lagu galo nidaamka iyo cod,afkaaro ay ururisay Radio Daljir ayaa sidoo kale muujiyey in dadweynaha aqlabiyadoodu jecel yihiin Qof iyo Cod .

Dhowaan waxaa Garowe ku kulmay qaar kamid ah isimada puntland,waxayna ugu dambayntii soo saareen in dib loogu laabtay 66-dii xildhibaan,taasoo ahayd arin aan laga filayn ,Go’aankooda ayaa lagu macneeyey inuu yahay sidii ay rabeen Mucaaradku 100% .

Isimada Saxiixey in Dib Loogu Laabto 66-dii Xildhibaan ayaa isugu jirey isimo aan Beelahoodu Xildhibaano ku laheyn Baarlamaanka Puntland iyo isimo beelahoodu metelaad ku leeyihiin Baarlamaanka Puntland .

Isimada Beelahoodu Metelaada leeyihiin ee Saxiixay Go’aanka in 66-dii dib logu laabto waxay soo xuli karaan 13 xildhibaan keliya,taasoo u dhiganta 19.7% Xildhibaanada guud ee Baarlamaanka puntland,sida ka muuqata Shaxdan .

Isimada kale ee aan go’aankan Saxiixin ayaa leh soo saarida aqlabiyada Baarlamaanka Puntland,waxayna soo saaraan 53 Xildhibaan oo u dhiganta 80.3% sida ka muuqata Shaxdan ay GarowePost Diyaarisey .

Sida muuqata Isimada gobolka Sool ma doonayaan inay soo dhex galaan arinta Doorashada puntland,iyadoo uu horay Maamulka Khaatumo u sheegay in aanay ka qayb gelayn Doorashada puntland .

7 Isim ee Beelahoodu aanay metelaad ku lahayn Baarlamaanka Puntland ee saxiixay go’aanka 66-da Sida iska cad waxaa beelahooda u fiican oo ay wax ku heli lahaayeen Nidaamka Doorashada qof iyo cod .

Gobolada Sanaag,karkaar,Raas-casayr iyo Bari waxaa ka socda kulamo looga arinsanayo Doorashada puntland,kuwaasoo aan la ogayn natiijada ka soo bixi doonta .

Hadaba Waxaa isweydiin mudan isimada saxiixay in dib loogu laabto 66-dii oo saara wax ka yar 13 Xildhibaan,Goaan maka gaari karaan doorashada Putland,iyadoo ay kasoo horjeedaan isimada kale ee soo saara aqlabiyada baarlaamaanka puntland,kuwaasoo soo xula 53 Xildhibaan ?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *