Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Wasiirkii cadaalada ee israa’iil Levniye uu Waashay,Kadib mudo uu la ildarnaa niyad jab iyo burbur maskaxeed uu ka qaaday Weerarkii Xamaas .
Wasiirka ayaa dareemayey Cabsi,niyad jab iyo isku buuq sababo la xiriira dareenkiisa masuuliyadeed wixii dhacay 7-dii Oktober ,Weerarkii ay xamaas gudaha ugu gashay Israa’iil .
Wasiirkan ayaa loo diiday inuu Dalka dibadiisa aado,TV-ga 12-aad ee Israa’iil ayaa arintan ka Waraystay siyaasiga la yiraahdo Ben Caspit,wuxuuna yiri sidan .
“Sababta Wasiirku Caqligiisa u waayey,waa Culaysyo haystay,sidoo kale wuxu dareemayey ceeb iyo fashil,Qoyskiisa oo uu u cabsanayey noloshooda iyo dareenkiisa masuuliyadeed fashilkii dhacay 7-dii-October
Maalmo kahor Wasiirku inta aanuu waalan,wuxuu doonayey inuu is casilo,Lknse Xukuumada ayaa ka diiday,Waxaan filayaa hadii laga aqbali lahaa inuu dalka ka baxo oo is Casilo xiligan Ma Waasheen .
Dawladu siday u dhaqmayso iyo Culaysyada jira awgood Wasiiro badan iyo Masuuliyiin muhim ah ayaa Caqligooda waayi doona “
