Xoghayaha Dowladda Hoose degmada Garowe mudane Cabdale Maxamed Cabdale ayaa shir jiraa’id oo maanta jimce ah ku qabtay xafiiskiisa wuxuu kaga warbixiyay Wadooyin hal bowle u ah isku socodka Gaadiidka iyo dadwaynaha.
Wadooyinkaas oo bulshada ku wargaliyay in ay la socdaan shaqooyinka laga bilaabaya iyo wadooyinka la isticmaalayo.
Wadooyinka laga shaqaynayo ayaa kala ah:
1. Laamiga hal bowlaha ah ee gaar ahaan inta isku xirta Buundada 2’aad ee Garoowe iyo Barxada wayn oo laamiga taas oo dhawaan la dhagax dhigay.
2. Buundada wayn oo dayactir balaaran lagu samaynayo, waxaana hakad galaysa dhowr maalin, iyadoo shacabku isticmaali doonaan Laamiga Shacabka ee isku xira Laamiga Cabdi yare geel laaye iyo laamiga wayn aaga Hotel Caduun
3. Wadada hormarta Shirkada Golis ee kasoo leexata Jaamacada Green Hope oo iyaduna dhawaan la dhagax dhigay taas oo bari shaqadu si toos ah uga bilaabanayso.
Xoghayaha Dowladda Hoose Mudane Cabdale Maxamed Cabdale ayaa shacabka codsaday in ay dowlada hoose la shaqeeyaan sido kalena wadooyinka laga shaqaynayo ay udul qaataan mudada laga shaqayno oo ka bilaabanaysa bari 30 November 2024 ilaa 7 December 2024.
GAROWE POST