Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Degmada Garoowe oo Maanta Xilka la wareegay

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Garoowe ayaa Maanta Xilka kala wareegay Xoghayihii hore ee dhawaan Xilka qaadista lagu sameeyay.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa xilka u kala wareejiy Xoghayaha Cusub ee Dawladda Hoose Degmadda Garowe iyo Xoghayihii Hore.

Munaasibadda ay xilalka kula kala wareegayeen Xoghayihii hore ee Dawladda Hoose Mohamud Ali Gurey iyo Xoghayaha cusub Cabdalle Maxamed Cabdalle (Kaylaco) ayaa lagu qabtay Xarunta Gobolka Nugaal.

Xoghayihi hore Dowladda Hoose ee Garowe Maxamuud Cali Guray ayaa soo bandhigay waxqabadkisii Degmada intii uu xilka Xoghayaha Degmada Garowe ahaa.

Wasiir ku-xigeenka ayaa Xoghayaha cusub ee Degmada Garowe kula dardarmaay in uu bulshada ugu adeego Hufnaan iyo hawlkarnimo ku dhisan daacadnimo.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *