War saxaafadeed saaka ka soo baxay Ururka ONLF ayaa lagaga hadlay xaaladda cakiran ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan xaaladda ka taagan degaanka Raaskambooni.
ONLF waxay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xiisadda ka taagan deegaanka Raaskambooni oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay ciidamo, halka Maamul goboleedka Jubbaland uu heegan galiyay ciidamadiisa, taas oo muujinaysa saansaan colaadeed oo ka dhex imaan karta labada dhinac.
ONLF waxay War saxaafadeedkeeda ku sheegtay in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland looga baahan yahay inay isugu yimaaddaan miiska wada hadalka, isla markaana ay gaaraan xal nabadeed oo lagu joojinayo colaaddan wax walbana lagu dhameeyo wada hadal, iyagoo hoosta ka xariiqay in Nabaddu ay tahay wadada kaliya ee lagu xalin karo dhibaatada maanta ka dhex taagan Dowlaadda Federaalka iyo Jubbaland.
War saxaafadeedka ka soo baxay Ururka ONLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in ONLF ay baaq u dirayso beesha caalamka in si degdeg ah usoo faragaliyaan xaaladdan, si loo xoojiyo dadaallada nabadeed ee xal waara loogu heli karo xaaladdan ka dhex taagan Raaskambooni ee u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
GAROWE POST