Soomaaliya iyo Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Md. Cabdikariim Cabdow Xeydar oo uu wehliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Axmed Macallin Xassan ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Cabdikariin Cabdow ayaa faahfaahiyey qorshaha safarka isgoo sheegay in dhinacyado ay kawada hadleen sidii garoonka Aadan Cadde loo hormarin lahaa si uu ula jaan qaado garoomada caalamiga ah.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii lagu horumarin lahaa iskaashiga farsamo ee labada Hay’adood iyo qiimeeynta sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay baarista farsamo (Audit) ee dhawaan Hay’adda ICAO ku sameeyn rabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Kulanka lagu faaqiday siyaabaha lagu xoojin karo awooda farsamo ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo hubinta waafaqsanaanta Howlaha Hay’adda ee shuruucda iyo heerarka Duulista Caalamiga. Wafdiga ayaa booqasho qiimeeyn ah ku tagay xafiisyada iyo kaabayaasha tijnoolojiyeed ee Hay’addu ku howlgasho.

Maareeyaha Hay’adda ayaa rajo fiican ka muujiyay natiijada shirka isagoo tilmaayay muhiimada ay leedahay iskaashiyadda caalamiga si loo hormariyo majaalka Duulista Rayidka Soomaaliya.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *