Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulamo ku saabsan xaalada Jubaland ka wada Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo safar ku joogo dalka Kenya ayaa la sheegaya in uu kulamo albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Kenya (NIS), Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji iyo masuuliyiin kale.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda kacsan ee Jubbaland.

Xamse Barre ayaa kala hadlay masuuliyiinta Kenya iney garabkiisa ka baxaan kana soo horjeestaan Axmed Madoobe ama ay ku qasbaan inuu u hogaansamo DF

Dowladda Kenya, oo ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya isla markaana ay ciidamo nabad ilaalin ah ka joogaan gudaha Soomaaliya kuwaasoo intooda badan ku sugan gobolada jubooyinka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Dowladda Kenya ay ka walaacsan tahay in khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland uu fursad siiyo xoogaga Al shabaab ee ku sugan jubooyinka.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *