Puntland iyo Rwanda oo iska kaashanaya maaraynta khataraha masiibooyinka ka dhasha Isbedelka cimilada

Wafti Heer sare ah oo uu Hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri oo safar shaqo ku jooga Dalka Rwandaa ayaa kulan la qaatay Hay’adda Rwanda u qaabilsan Xiriirka Caalaamka.

Shirkaas ayaa daaranaa sagootinta iyo gaba-gabaynta Barnaamijkii aqoon barista ahaa ee Dawlad dhiska iyo habka ay Dowladda Rwanda u mareen horumarinka baaxadda leh ee Guud ahaan hay’adda Dowladda ee Dalkaas iyo in Heshiis lala galo hay’adda Ruwanda cooperation si ay isku dhaafsadaan kor u qaadista dhismaha Dawladaha Hoose Puntland iyo maaraynta khataraha masiibooyinka ka dhasha Isbedelka cimilada.

Kulkaan ayaa wxaa ka soo baxay in waftiga Dowladda Puntland ay wax badan ka siyaasadeen sida wasaaradaha iyo hay’addaha Rwanda uga shaqeeyeen maamul daadajinta iyo maraynta masiibooyinka isla markaana la isla qaatay in la sameeyo xiriir wada shaqayn oo ay dawlada Puntland la yeelato hay’adda kala duwan ee Dalka Rwanda dhinacyada aqoonta iyo is dhaafsiga khibrada labada dhinac.

Dhinaca Dowladda Puntland ee uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Mudane Maxamed Cali ayaa soo diyaarin doona habraaca lagu wada shaqayn doono marka la bilaabayo is dhaafsiga khibradda iyo aqoonta Dowlad-dhiska iyo horumarinta tabaha maaraynta khataraha masiibooyinka.

GAROWE POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *