Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Mary otieno iyo wefti ay hoggaaminayso.
War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne ku xigeenku qaabilay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Mary otieno iyo wefti ay hoggaaminayso.
Kulanka ayaa looga hadlay wadashaqaynta UNFPA iyo Dowladda Puntland iyo dar-dargelinta Mashaariicda Hay’addu ka wado Puntland.
Shirka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.
GAROWE POST