Kumanaan Lubnaaniyiin ah oo ay barakiciyeen dagaalladi iyo duqeymihi ay ciidamada Isra’il ka wadeen Koofurta Lubnan, ayaa dib ugu laabtay guryahooda, kaddib marki ay dhaqan gashay xabbad-joojinti la kala dhax dhigay Israa’iil iyo Xisbullah.
Iyagoo wata baabuur ay ku raran yihiin alaabahooda gaarka ah, isla markaana ka dhego adaygay digniino uga yimid ciidammada Lubnaan iyo Israa’iil oo ku baaqayay inay ka fogaadaan meelaha qaar, ayay dadkaan xalay ku hoydeen guryahooda oo ay intooda badani ay burburiyeen madaafiicda culus ee ay isu adeegsadeen dhinacyada dagaallamay.
Xabbad joojinta ayaa haddii ay sii waarto soo afjari doonta, ku dhawaad 14 bilood oo dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xisbullah.
Inkasta oo uu heshiis xabad-joojin ah ka hirgalay Lubnaan iyo Waqooyiga Israa’iil, haddana waxaa wali socda dagaalka Gaza, halkaas oo ay Isra’il wali sii waddo madaafiicda ay ku garaaceyso Marinka Gaza.
GAROWE POST