Guddiga sare ee maamulka Garsoorka ee dawladda Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.
Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa maantay looga wada hadlay arrimaha la xiriira miisaaniyadda sannadka 2025.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Guddigu ku doonayaan in miisaaniyadda Puntland ee sannadka soo socda lagu saleeyo talooyin waxtar leh oo ka yimaada dhammaan Goleyaasha Dawladda.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa diiradda saaray baahiyaha dhaqaale ee garsoorka, sidii loo xoojin lahaa adeegyada cadaaladda, iyo qorshayaasha lagu hormarinayo nidaamka garsoorka sannadka 2025.
Guddiga Maaliyadda ayaa sheegay in latashiyadani ay muhiim u yihiin diyaarinta miisaaniyad ku saleysan mudnaanta hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyada oo la xaqiijinayo in adeegyada cadaaladda ay ka helaan mudnaan sare si loo taageero hufnaanta iyo isla xisaabtanka.
Dhinaca kale, Maamulka Sare ee Garsoorka ayaa soo bandhigay qorshayaasha muhiimka ah ee ay ku talinayaan in lagu daro miisaaniyadda cusub, kuwaas oo ay ka mid yihiin tababarada shaqaalaha garsoorka, qalabeynta xarumaha maxkamadaha.
GAROWE POST