Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar ayaa sameeyay hawl-galo lagu burburinayo hogo dhuxul laga shidayay miyiga degmada Shaxda.
In kabadan 15 Hog ayay Ciidamada Booliska Cagta mariyeen iyagoona sheegay tani ay qeyb ka tahay Ka hortagista waxyeelada Degaaanka.
Ciidamada Booliska ayaa inta ay ku jireen Howlgalkaan waxay gacanta ku dhigeen 3 Maxbuus kuwaas oo dhawaan sharciga La horgeyn doono
Ciidamada oo ku jiray Howlgalkaan Mudo ka badan asbuuc ayaa Dadka degaanka waxay shegeen in ay uga Mahadcelinaan sida ay markasta uga Falceliyaan Cabashada ay u gudbiyaan Taliska Qeybta Booliska Gobalka karkaar gaar ahaan Taliyaha Qeybta.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay sidoo kale agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalaysay
Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Karkaar G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ku bogaadiyay ciidanka iyo Shacabka deegaanka shaqada culus ee ay ka qabteen.
Booliiska Karkaar ayaa maalmihii u danbeeyay waday hawlgallo lagu burburinayo goobaha dhuxusha laga shido ee ku yaalla degaannada miyiga ah ee Gobalka Karkaar.
GAROWE POST