Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.
Kulankan, oo muhiimad gaar ah lahaa, waxaa warbixin ku saabsan waxqabadka, guulaha, iyo caqabadaha horumarineed soo bandhigtay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha, iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamuud Maxamed Cumar (Daa’ud), oo ay weheliyeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha wasaaradda sida mashaariicda iyo qorsheyaasha soo socda . Xubnaha Golaha Wakiillada ayaa su’aalo weydiiyay Wasiirka, iyagoo diiradda saaray caqabadaha iyo saamaynta mashruucyada la fuliyay.
Fadhiga ayaa ku dhammaaday si guul ah, iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda sii wadista dadaallada horumarineed.
GAROWE POST